Isku xirrada

Askar Lagu Dhaawacay Qarax ka Dhacay Duleedka Jowhar


Ciidamada dowladda

Seddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacantay ka dib markii galinkii dambe ee maanta qarax miino lagu bartilmaamedsaday xili ay marayeen degaan lagu magacaabo Kili Maseyrow oo qiyaastii 15km dhinaca koonfured uga beegan magaalada Jowhar.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay magaalada Jowhar, sida ay VOA u sheegen dadka magaalada.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday, ayaa ka yimid magaalada Muqdisho, waxayna ku soo jeedeen magaalada Jowhar.

Ilaa xiligan ma jirto wax war ah oo saraakiisha dawladda ee gobalka Shabellaha Dhexe ay kasoo saareen qaraxa ciidamada lala beegsaday.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG