Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Askari oo ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Kismaayo


Kismaayo

Labo askari ayaa ku geeriyootay toddobo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha saldhiga booliska ee magaalada Kismaayo.

Qarax ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, waxaana lala eegtay ciidamada booliska Jubaland.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ciidamada ay isku diyaarinayaan soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo berri booqan doona magaalada Kismaayo.

Wariyaha VOA Qadar Maxamud Xareed ayaa faahfaahintan warkan ka soo diray Magaalada Nairobi.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:36 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG