Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax 90 Ruux ay Ku Dhinteen oo Kabul Ka Dhacay


Ugu yaraan sagaashan qof ayaa ku dhimatay tiro seddex boqol ka bandanna way ku dhaawacmeen, ka dib markii qarax xooggan oo loo adeegsadya gaari xamuul ah oo wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qaaday subixii Arbacada xarrun diblumaasiyadeed oo ku taalla caasimadda dalka Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan waaxda nabad galyada oo magaciisa codsaday inaan la shaacin, ayaa VOA u sheegey tirada ku wax yeellowdey weerarkaasi, saacado uun kadib markii uu dhacay weerarka.

Horraantiina subixi Arbacada, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaaadka oo la yiraahdo Wahidullah Majroh, ayaa dhimashada ku sheegey in ay 80 gaareyso, isagoo intaasi ku daray in khasaaraha uu sii kordhi karomarkaste.

Weerarka ayaa ka dhacay xarrunta Wazir Akbar Khan oo Kabul ka tirsan, halkaas oo hoy u ah howl-gallada shisheeye ee diblumaasiyadeed iyo xafiisyo dowladeed, waxaana waxyeello badan ka soo gaartay gawaari meesha tiillay iyo dhismayaal ka ag dhawaa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in 11 ruux qandaraaslayaal Mareykan ah ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen weerarka.

XS
SM
MD
LG