Isku xirrada

Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabo gaashaanle sare Cabdullaahi Cilmi Nuur, waxaana la sheegayaa in dablaydii dishay ay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay dhowaan sare u qaadeen howlgallada amni ee magaalada caasimadda ah, xilli laga cabsi qabo in Shabaabku ay sare u qaadaan weeraradooda, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG