Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gal-gala: Haweeney iyo Seygeeda oo Qarax Ku Dhintay


Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay togga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa VOA u xaqiijiyay, in qaraxaasi uu dhacay abbaaro shantii iyo barkii gelinkii dambe ee shalay, ka hor xilliga afurka, waxana baabuurka qarxay uu ku socday buuraha Galgala.

Ma cadda haddii bartilmaameedku uu ahaa dadka la weeraray, oo sida la sheegey aanay hubeysaneeyn.

Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxaa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo qaarkoodna ay hore u sheegeen inay ku biireeen kooxda ISIS.

XS
SM
MD
LG