Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil iyo Aabihiis oo Imtixaan u Wada Fariistay


Imtixaanadkii dugsiyada sare ee ay dowladda Soomaaliya toddobaadkan qaadday, ayaa waxa dadkii ka baxay dugsiga sare ku jira aabbe iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo safarka waxbarasho ku soo wada jirey muddo sanado ah.

Faarax Ismaaciil Dabcasar oo 43 jir ah iyo wiilkiisa Shaafici Faarax Ismaaciil oo 18 jir ah, ayaa u fadhiistay imtixaanadka dugsiga sare ee iskuulka sare Shire Jaamac ee magaalada Caabudwaaq.

Waxay labadooduba qorsheynayaan in ay sidoo kale waxbarashada Jaamacadeed ay isla billaabaan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa wareystay labadoodaba.

Wiil iyo aabihiis arday wada ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG