Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Wacad ku Maray inuu Nabad Ka Dhaliyo Bariga Dhexe


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta wacad ku maray inuu sameyn doono wax kasta oo uu awoodo, si uu nabad uga dhaliyo Bariga Dhexe, isaga oo ku celinaya ballan-qaayadii ay horey u sameeyeen madaxweynayaashii ka horeeyey, oo haddana ku fashilmay inay hadafkaas gaaraan.

“Waxaan si dhab ah ugu rajo weynahay in Mareykanka uu Israel iyo Falastiin ka caawin doono inay nabad gaaraan oo ay rajo cusub u keenaan gobolka iyo dadkiisa” ayuu yiri Trump kadib kulan saacad qaatay oo uu maanta magaalada Bethlehem kula yeeshay madaxweynaha mamaulka Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas.

Trump ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay “Haddii Israel iyo Falastiin ay nabad gaari karaan, waxay bilow u noqon doontaa hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe oo idil”.

Isaga oo ka dhinac hadlayey Trump, ayaa Abbas waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata Falastiiniyiinta ay tahay qabsashada iyo deegaameynta Israel ay ka waddo dhulkooda, iyo in Israel ay ku guul darreysatay inay aqoonsato Falastiin.

“Dhibaatadi maaha diinta Yahuudda, ee waa qabsashada” ayuu yiri Abbas.

Waxa uu ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu aqbalo xal laba dal oo ku suleysan xuduudihii sanadii 1967-kii la calaameeyey.

XS
SM
MD
LG