Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iiraan: Xasan Ruuxaani oo xilka mar kale loo doortay


A voter gets ballots to cast in the presidential and municipal council election at a polling station in the city of Qom, 78 miles (125 kilometers) south of the capital Tehran, Iran, May 19, 2017.
A voter gets ballots to cast in the presidential and municipal council election at a polling station in the city of Qom, 78 miles (125 kilometers) south of the capital Tehran, Iran, May 19, 2017.

Dadka reer Iiraan ayaa mar kale xilka madaxweynenimo ee dalkaasi u doortay Xasan Ruuxaani, TV-ga dowladda ayaa sheegay in Ruuxaani uu si dhib yar kaga guuleysay ninkii ugu dhawaa ragii la tartamayay kaasoo ah Ibraahim Raysi.

Xasan Ruuxaani ayaa ku guuleystay codad gaaraya 57 boqolkiiba, Raysi oo kaalinta 2aad galay ayaa helay ilaa 38%.

Tirada dadka codoeynayay oo aan sidii loo qorsheeyay noqon ayaa xukuumadda Iiraan waxa ay ku qasabtay in ay kordhiso saacadihii codeynta ilaa saqdii dhexe ee xalay.

Ilaa 56 milyan oo cod-bixiyayaal ah ayaa loo diyaariyay in ay codadkooda ku dhiibtaan 60kun oo goobood oo ku kala baahsan guud ahaan Iiraan.

Ruuxaani ayaa mustaqbalkiisa siyaasaded ku xiray heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhinaca Nucleraka ee uu la galay Mareykanka iyo awoodaha kale ee waaweyn ee dunida, taasoo dhabaha u xaartay in la fududeeyo xayiraaddii dhaqaale ee dalkaasi saarneyd, Raysi oo ah ninka Ruuxaani la tartamay ayaa cambaareeyay heshiiskaasi, oo uu sheegay in uu sidoodii ku deynayo cuna-qabateynta Iiraan ka saaran dhinacyada adeegga Bankiyada iyo Maaliyadda.

XS
SM
MD
LG