Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden oo Joojisay Baaritaankii Kufsi ee Assange


Julian Assange
Julian Assange

Dacwad oogayaasha dalka Sweden ayaa sheegay inay joojiyeen baaritaan kufsi oo muddo toddoba sano socday, kaasi oo ka dhan ahaa aasaasaha kooxda sirta faafisa ee WikiLeaks.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay “Dacwad oogaha sare, Marianne Ny waxay maanta go’aansatay inaan lasii wadin baaritaankii horudhaca ahaa ee ku saabsanaa tuhunka kufsi ee lala xiriirinayo Julian Assange”

Assange ayaa waxaa muddo loo raadinayey eedyemo kufsi ka dhacay dalka Sweden, hase yeeshee waxaa magangalyo siiyey dalka Ecuador. Waxa uu tan iyo sanadii 2012 ku noolaa safaaradda Ecuador ee magaalada London, si uu uga fogaado in la xiro oo la masaafuriyo.

Waaxda caddaalada Mareykanka ayaa baaritaan ku haysay Assange tan iyo sanadii 2010, markaasi oo WikiLeaks ay daabacday kumanaan warqado amni oo laga xaday Mareykanka.

Bishii tagtay ayaa agaasimaha CIA-da, Mike Pompeo waxa uu sheegay in WikiLeaks ay sanadii 2010 ku hagtay sarkaal Mareykan ah oo sirdoonka ciidamada fallanqeeya inuu xado akhbaaraad sirdoon oo si gaar ah u khuseeya Mareykanka.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ruushka ay WikiLeaks u isticmaaleen in la daabaco emailo sir ah oo laga jabsaday musharaxii madaxweynaha Mareykanka Hillary Clinton, sanadii tagtay.

XS
SM
MD
LG