Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Difaacay 'Xogtii' uu la Wadaagay Ruushka


TRump iyo Lavrov
TRump iyo Lavrov

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta difaacay “Xuquuqda uu u leeyahay” inuu akhbaaraad la wadaago saraakiishii Ruushka ee Aqalka Cad soo booqday toddobaadkii tagey.

Madaxweynaha ayaa dhinac isaga riixay wararka warbaahinta ee ah inuu sir xasaasi ah oo sare kuna saabsan kooxda Daacish u gudbiyey Ruushka.

Qoraallo uu saaka soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu madaxweynaha ku sheegay inuu doonayey in “Xaqiiqooyin ku saabsan argagixisada iyo amniga duulimaadyada diyaaraaed” u gudbiyo wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov iyo safiirka Ruushka ee Mareykanka Sergey Kislyak ee uu kula kulmay Aqalka Cad.

Trump ayaa u muuqday inuu ku faanayey xogta gaarka ah ee ku saabsan halista kusoo wajahan diyaaradaha ee uu ogyahay, markii uu la kulmay saraakiisha Ruushka, sida uu qoray wargeyska Washington Post.

Wargeyska New York Times ayaa isna qoray in akhbaarta uu Trump u gudbiyey Ruushka oo loo arkay mid xasaasi ah, aan xitaa lala wadaagin qaar ka mid ah saraakiisha dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG