Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad oo Beeniyey In Trump Uu Bixiyey Sir Xasaasi Ah


National Security Adviser H.R. McMaster speaks to the media outside the West Wing of the White House in Washington, May 15, 2017.
National Security Adviser H.R. McMaster speaks to the media outside the West Wing of the White House in Washington, May 15, 2017.

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka H.R. McMaster iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump ayaa beeniyey waxa ka jira war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in madaxweyne Trump uu siiyey xog sir ah oo muhiim ah saraakiil Ruush oo kusoo booqatay Aqalka Cad.

Isaga oo ugu warramayey wariyaasha banaanka Aqalka Cad, ayuu McMaster sheegay in warkaan oo markiisii hore ay faafisay jariirada Washington Post ayuu yahay mid been abuur ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson, oo isna goob jog ka ahaa kulan 10-ki bishii May xarunta Aqalka Cad ku dhexmaray Trump iyo wasiirka arrimaha dibada Ruushka, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsanaa khatarta argagixisada, balse uusan madaxweynuhu bixin sir.

Qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ay ku jiraan wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa sheegay in xogta uu madaxweyne Trump siiyey Wasiirul khaarijiyaha Ruushka ay dhaawici karto dagaalka lagula jiro Daacish.

VOA-da oo la xiriirtay hey’adaha CIA iyo NSA ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintani.

XS
SM
MD
LG