Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Qarax Lagu Dilay Laba Qof


Kismayo, Somalia
Kismayo, Somalia

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax goor dhow ka dhacay fagaaraha Beerta Olombikada ee magaalada ay ku dhinteen saddex qof, oo laba ka mid ah ay ahaayeen rayid.

Labada qof ee rayidka ee dhintay ayaa kala ah haweeney, iyo gabar yar oo 7 jir ahayd. Waxaa sidoo kale goobta ku dhintay qofkii is qarxiyey, ayada oo uu ku dhaawacmay askari ka dhowaa.

Afhayeenka wasaarada amniga ee dowladda federalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashada labada qof ee rayidka ah iyo qofka is qarxiyey.

Dhinaca kale nabadoon Cabdi Dhoore oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug ayaa galabta lagu dilay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Warta-Nabadda ee Muqdisho.

Afhayeenka gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa VOA u xaqiijiyay in nabadoonka ay toogteen rag bastoolado ku hubeysan isaga oo maraya meel gurigiisa ku dhow, kuwaas oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Waa dilkii afaraad oo nabdoono loogu geysto Muqdisho muddo seddex maalin gudahood, iyada oo magalada lagu diley qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gashay doorashadii xildhibaanada baarlamanka ee ka dhacday Galmudug.

Weriyaheena Nairobi Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan nooga soo diray qaraxa ka dhacay Kismaayo.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:47 0:00

XS
SM
MD
LG