Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yuusuf Xasan oo ku Guuleystay Doorashadii Kamakunji


Yusuf Xasan
Yusuf Xasan

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay doorashadii is reeb reebka deegaanka Kamakunji ee xisbiga Jubilee, isaga oo ka adkaaday mudanihii hore ee deegaanka Kamakunji, Simon Mbugua.

Xoghayaha guud ee Jubilee Rapheal Tuju, oo ku dhaawaaqay natiijada doorashada, ayaa sheegay in Yuusuf Xasan uu ku guuleystay doorashadii xisbiga, islamarkaana uu doorashada guud u matali doono xisbiga Jubilee e madaxweyne Kenyatta.

Deegaanka Kamakunji, waa deegaanka ay ka tirsan tahay xaafadda Islii ee Soomaalida ay degto.

Mudane Yusuf Xasan oo dareenkiisa muujinayey kadib markii uu helay tikitkii musharaxnimadiisa ee xisbiga Jubilee, ayaa shaaca ka qaaday inuu sii wadi doono horumarka deegaanka Kamakunji ee isaga laga soo doorto.

Waxa uu sidoo kale rajo weyn ka muujiyey inuu si weyn ugu guulaysan doono doorashooyinka guud ee bisha August 2017 ka dhici doona dalka Kenya.

Mudane Yusuf oo markii seddexaad ku guulaystay tartanka deegaanka Kamakunji, wuxuu si weyn u bogaadiyey taageerayaashiisa oo uu sheegay inay si weyn u soo bexeen toddobaakii tegey, oo la qabtay doorashooyinkii horudhaca ahaa.

XS
SM
MD
LG