Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton oo ka Hadashay Guuldarradii ku Dhacday


Hillary Clinton
Hillary Clinton

Wareysigeedii ugu horeeyey ee ay bixisay tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Mareykanka ee 2016, ayaa Hillary Clinton waxay ku qaadatay mas’uuliyadda guul-darradii ku dhacday.

Hase yeeshee Clinton ayaa u sheegtay Christine Amanpour oo ku wareysatay magaalada New York in sidoo kale ay ku eedeyneyso Russia iyo agaasimaha FBI-da James Comey inay ka caawiyeen Donald Trump inuu guuleysto.

Clinton ayaa sheegtay in haddii doorashada la qaban lahaa 27-ka October ay maanta ahaan lahayd madaxweynaha Mareykanka.

“Waxaan ku socday inaan guuleysto illaa ay soo baxday warqaddii James Comey 28-kii October, islamarkaana sirta WikiLeaks ee Russia ay shaki gelisay dadweynaha, ayna ka cabsadeen inay ii codeeyaan” ayey tiri Clinton.

Clinton ayaa ku horeysay codadka ra’yiga ee doorashada ka hor, illaaa intii uu agaasimaha FBI-da James Comey shaaca ka qaaday inuu dib u furayo baaritaanka la xiriirka isticmaalka Clinton ee emailada shaqsiyeed markii ay ahayd xoghahaya arrimaha dibedda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG