Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Shan Qof oo Qaraxyo Watay oo la Qabtay


Boosaaso
Boosaaso

Taliska qeybta booliska ee gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada ayaa raggan oo watay gaari xalay gacanta ku dhigay, waxaana taliska booliiska ay sheegeen inay qorshaynayeen inay qaraxyo ka fuliyaan magaalada.

Qaraxyada raggan ay wateen ayaa lagu sheegay saddex, midkiiba culeeskiisu dhan yahay 60 KG.

Wariyeheenna Magaalada Bossaaso Faadumo Yaasiin Jaamac oo shirkaasi ja’raa’id tagtay ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Rag lagu xiray Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:29 0:00

XS
SM
MD
LG