Dhawaan ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka ay ku heshiiyeen qaab dhismeedka iyo isku dhafka ciidan qaran oo ay Somalia yeelato, lana hirgeliyo muddo lix bilood ah.
Heshiiskan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladdu ay diyaar garow xooggan ugu jirto dagaal uu madaxweynuhu sheegay in Al-Shabab looga xoreynayo Somalia.
Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ayaa Isna lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgalkaasi ciidan, waxaana la balaariyay Golaha Amniga Qaranka.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan ayaa Balaarinta Golaha Amniga Qaranka ka wareystay, wasiirka Warfaafinta Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan Eng: Yariisow.