Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo 5 kun oo Soomaali ah Masaafurinaya


Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 kun oo Soomaali ah laga masaafurin doono dalka Maraykanka.

Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arr. socdaalka iyo kastamka ayaa VOA u sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in isla wakhtigaasi 237 qof oo Soomaali ah dib loogu celiyay Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay ICE ayaa xaqiijinaya macluumaad uu VOA hore ugu sheegay safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad oo isagu sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay'addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka.

Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha.

XS
SM
MD
LG