Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Theresa May oo Ku Dhawaaqday Doorashooyin


Theresa May

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa si lama-filaan aah ugu dhowaaqday doorasho guud oo cusub oo xilligeedii laga soo hormariyey oo waddankaasi ka dhacda 8-da bisha June ee soo socota.

Ra’iisul Wasaare May ayaa la saadaalinayaa inay tallaabadan u qaadday si ay aqlabiyad tan ka ballaadhan ugu hesho go’aanka ay Britain kaga baxayso Midowga Yurub.

Saddex toddobaad kadib markii ay bilowday hanaanka Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub, ayaa May waxa ay sheegtay in xisbiyada mucaaradka ay isku dayayaan inay hanaankaas carqaladeeyaan, islamarkaana baarlamanka iyo dalka aanay isku jiho u socon.

Aqalka Wakiilada ayaa ay qasab tahay inay ansixiyaan doorashooyinka ay ku dhawaaqday May.

Warbixintan waxaa London kasoo diray Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Warbixin: Ridwaan Haaji
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00

XS
SM
MD
LG