Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka, Iran Iyo Suuriya oo U Diagay Mareykanka


APTOPIX Russia Syria Iran
APTOPIX Russia Syria Iran

Russia, Syria iyo Iran ayaa uga digay Mareykanka inuu weeraro cusub ka fuliyo Suuriya, iyaga oo ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo weerarki kiimiyo ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Suuriya.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Moscow Jimcihii ayey wasiirada arrimaha dibada dalalka Russia, Syria iyo Iran, ku sheegeen in weeraro kale oo dheeraad ah oo uu Mareykanka ka geysto Suuriya ay keeni doonto cawaaqib aad u xun isla markaana ay aduunyada u horseedi doonto khatar.

Mareykanka ayaa todobaadki hore 59 gantaal ku garaacay saldhiga ciidanka cirka Suuriya ee al-Shayrat. Tallaabadaasi waxay jawaab u aheyd weerar hub kiimiko loo adeegsaday oo isla todobaadkaasi dad rayid ah loogu geystay gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey in weerarkaasi ay ka danbeysay Dowlada Madaxweyne Bishar Al Asad, balse Dowlada Suuriya ayaa beenisay arrintaasi.

XS
SM
MD
LG