Isku xirrada

War Deg-Deg ah

K. Waqooyi oo Gantaallo cusub soo Bandhigtay


Xukuumadda Pyongyang ayaa maanta qabatay munaasabado lagu xusayay aas-aasaha dalkaasi, waxayna soo bandhigtay awoodeedda militari.

Kadib marki Mareykanka uu ciidamo badan oo milatari ah geeyay gacan biyoodka Kuuriya, Shiinahana uu kordhiyey xayiraada dhinaca dhaqaalaha ee Kuuriyada Waqooyi, ayey Xukumada Pyongyang ka baaqsatay inay tijaabiyo gantaal niyukleer ah oo la filayey in ay maanta tijaabiso.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa tijaabada gantaalada niyukleerka ka doorbiday dabaaldagyo milatari oo ay dowladiisu ku xustay 15-ka April oo u asteeysan marki uu dhashay aas aasaha Kuuriyada Waqooyi Kim Il Sung.

Ahn Chan-il oo ah nin hadda ka hor kasoo goostay Dowlada Kuuriyada Waqooyi iminkana ka faalooda arrimaha dalalka Koofurta iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in in Kim Jong Un uu qorsheeyey inuu la dagaalamo Mareykanka balse uu hadda go,aansaday inuu ka laabto go,aankaasi.


Cabsida ah in ay Kuuriyada Waqooyi ay tijaabiso gantaalada xambaara suntan niyukleerka ayaa korortay todobaadkaan, kadib marki dhaqdhaqaaqyo xoogan laga dareemay goobta Punggye-ri ee ay inta badan ka rido gantaalada tijaabada niyukleerka.

Hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa Donald Trump, ayaa kor u dhigay feejignaanta iyo ka hortaga gantaalada ridada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

XS
SM
MD
LG