Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Galmudug oo Soo Furtay Ajaaniib La Haystay


Mas'uuliyiinta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay soo furteen 8 Hindi ah oo shaqaale ah oo la socday markab dhowaan lagu afduubay xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo la geeyey dhinaca berriga.

Duqa magaalada Hobyo ayaa VOA u sheegay inay hayaan dhammaan shaqaalihii, islamarkaana ay xireen afar ka tirsan burcad badeedda haysatay raggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaad kooban oo dhaxmaray ciidamada Galmudug iyo kooxihii afduubayaasha ahaa kadib lagu guulaustay in la badbaadiyo shaqaalihii doonta lagala soo dagay, islamarkaana gacanta lagu dhigay burcaddii ajaanibta haysatay.

Wararka ayaa intaa ku daraya inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka, islamarkaana muwaadiniintii u dhalatay hindiya ay badqabaan.

Doontan ayaa waxa ay burcad badeedda ka afduubteen xeebaha Soomaaliya kowdii bishan April, ayada oo alaabo ganacsi u sidda magaalada Boosaaso.

Warbixintan waxaa ka diyaariyey Haaruun Macruuf

Warbixin: Haaruun Macruuf
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:38 0:00

XS
SM
MD
LG