Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad Badeed ku Fashilmay Weerar oo la La'yahay


Saddex ka tirsan burcad badeedda Soomaaliya ee ku lugta lahayd weerar lagu qaaday Markab laga leeyahay jasiiradda Tuvalu ayaa la la’yahay kadib markii uu fashilmay weerarkoodii.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sheegay in burcad badeeddan ay ahaayeen shan qof, kuwaasi oo saddex ka mid ah ay fuuleen markabka kadibna ay shaqaaluhu qol isku xireen.

Laba kale oo ka mid ah burcad badeedda ayaa la sheegay inay goobta kasoo baxsadeen kadib markii maraakiib caalami ah oo ka socda Hindiya iyo Shiinaha ay usoo gurmadeen markabkaasi.

Burcad badeedda soo baxsatay ayaa la sheegay inay soo gaareen berriga ayna u sheegeen dadka deegaanka Caluula inay maqan yihiin saddex kale oo ay ku wada jireen weerarka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sheegay in saddexda burcad badeedda ah ee la la’yahay uu ku jiro Cabdikariim Saalax oo lagu magacaabo Aw Koombe oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda Soomaaliya.

Isla burcad badeeddan ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen Markab bishii hore laga soo afduubay badda, lana keenay xeebaha Puntland oo lagu magacaabo Aris 13.

Markabkaasi ayaa goor dambe la sii daayey kadib markii ciidamada Puntland ay ku hanjabeen inay xoog kusoo furanayaan shaqaalaha iyo markabka.

Goobta ay burcad badeedu markabkaas ku weerrareen Sabtidii ayaa la soo sheegayaa in ay aad ugu dhoweyd xeebaha jasiirada Suqadara.

Mas'uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa sheegay inay ku daba joogaan burcad badeedda soo badbaaday.

XS
SM
MD
LG