Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Galmudug oo Weeraray Burcad Badeedda


Ciidmo ka tirsan Galmudug iyo kooxihii Burcad badeeda ahaa ee dhawaan qabsaday doontii ganacsi, islamarkaana kala soo dagay shaqaalihii saarnaa, ayaa waxaa maanta iska horimaad uu ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Qaraarow oo hoostaga degmada Hobyo.

Wararka laga helayo Qararow oo kooban ayaa sheegaya in qaar ka mid ah waxgaradka maleeshiyada haysta doonta iyo ciidamo wada jira ay gaareen Qararow oo lagu tuhmayay in burcadda ay lasoo aadeen shaaqalihii doonta, hase ahaatee kooxihii burcadda ahaa ayaa sheegy inay weerar kala hortageen ciidamadii Galmudug

Ilaa hadda lama soo sheegeen khasaare ka dhashay weerarkaas iyo in lasoo furtay shaqaalihii doonta ee u dhashay Dalka Hindiya, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa VOA usheegay in uu socdo baadi goob loogu jiro kooxihii afduubka uhaystay ajaanibta.

Dhinaca kalena duqa magaalada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa VOA u sheegay in ciidamada amniga ay la wareegeen markabkii Al Kausar ee ay horey u qabsadeen budhcad badeedda Soomaalida ah ee la keenay xeebta magaalada Hobyo.

Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalihii doonta saarnaa laga helay doonta korkeeda, balse qaar kale ay burcad badeedda la aadeen dhinaca berriga.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay ku raadjoogaan burcad badeedda, islamarkaana ay ka qabsadean baabuur u waday cunto.

Doontaasi ayaa la qabsaday 1-dii bioshan iyada oo raashin u waday magaalada Kismaayo.

XS
SM
MD
LG