Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararki Ugu Danbeeyey ee Duqeynta Mareykanka ee Suuriya


Milatariga Mareykanka ayaa aroornimadi hore ee saakay duqeymo la beegsaday xarumo milatari oo ku yaalla bariga dalka Suuriya.

Weerarkan oo ah kii ugu horreeyey oo uu Mareykanka si toos ah ugu qaado ciidamada Suuriya ayaa ah mid uu Mareykanka uga aargoosanayo Dowlada Suuriya oo uu ku eedeeyey in ay ka danbeysay weerar loo adeegsaday kiimiko oo todobaadkan ka dhacay gobolka Idlib.

Saraakiisha Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 59 gantaal ay ku garaaceen saakay saacadu marki ay aheyd 4:40 daqiiqo ee subaxnimo Saldhiga ciidamada Cirka ee Shayrat. Weerarka ayaa waxaa laga fuliyey saldhiga ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin bariga badda Mediterranean-ka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa sheegay in saldhiga ay weerareen ay aad ugu maleynayaan in ay ka duuleen diyaaradihi Talaadadi Kiimikada Sarin Gas-ka ku buufisay degmada Khan Sheykhuun. Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 ruux oo rayid ah.

Russia,oo taageerto Dowlada Bishar Al Asad ayaa canbaareysay weerarka ay saakay diyaaradaha Mareykanka ku beegsadeen saldhigyada milatari ee bariga Suuriya.

Ruushka wuxuu ku tilmaamay weerarkaasigardaro ka dhan ah dowlad madaxbanaan, waxana uu ku dhawaaqay inuu qaadacayo heshiiski Isfahan ee u dhaxeeyey Mareykanka iyo Ruushka ee ku qotomay amaanka duulimaadyada ee hawada Suuriya.

XS
SM
MD
LG