Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland iyo DP World oo Heshiis Kala Saxiixday


Dekedda Boosaaso
Dekedda Boosaaso

Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta iyo masuuliyiinta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan horumarinta iyo maalgelinta dekedda Boosaaso.

Heeshiiskan oo socon doona muddo soddon sannadood ah ayaa waxaa wada saxeexay madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman.

Heshiiskan oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa nuxurkiisu yahay horumarinta dekedda Boosaaso oo lagu sameeyo ballaadhin iyo casriyayn taas oo warsaxaafadeed ay Puntland ka soo saartay heshiiskan ku sheegtay in dekedda Boosaaso lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonta qaybta haatan shaqaysa.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan $336 million, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 200 million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar,

Waxaa kaloo uu heshiiskan dhigayaa in dhismaha dekada lagu dhamays tiro mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Heshiiskan cusub ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay heshiis la saxeexdeen masuuliyiinta Somaliland, heshiiskaas oo DP World ay kula wareegtay dekedda Berbera, isla markaana ay isla afgarteen Somaliland inay Imaaraadka siiyaan saldhig milateri.

Barnaamijka waxa ka qeyb qaatay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota, Wasiirka Dekedaha Puntland, Siciid Maxamed Raage, iyo Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo dorto Puntland.

Dhageyso Warbixinta Puntland iyo DP World
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00

XS
SM
MD
LG