Isku xirrada

Farmaajo oo Magacaabay Taliyeyaal Cusub iyo Duqa Muqdisho


Farmaajo iyo Kheyre

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magacaabay taliyeyaal cusub oo hay’adaha amniga dalka ay yeelanayaan iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Taabit Cabdi oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Washington DC, horeyna usoo noqday agaasime ku xigeenka madaxtooyada xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taliyaha hay’addda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo horey sidoo kale u soo qabtay xilkan.

Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid, ayaa isna loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka, halka abaanduulaha ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Jeneral C/llaahi Cali Caanood.

Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ayaa isna dib loogu magacaabay taliyaha ciidamada booliiska oo uu horey usoo noqday.

Dhammaan mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ah kuwo horey xilal uga soo qabtay dowladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Wariyeheenna Seynab Abukar Maxamed ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

XS
SM
MD
LG