Dalad ay ku jiraan ururo gargaar oo reer galbeed ah ayaa boqol qof gaarsiisay tirada dadkii ku dhintay weerar kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Khan Sheikhoun ee xarunta gobolka Idlib ee Syria.
Daladdan ayaa sheegtay in kiimikadan ayaa soo ridatay dad kale oo gaaraya ilaa iyo 350 qof.
Dadka dusha kala socda xaaladda Syria, diblomaasiyiinta iyo kuwa fallanqeeya ayaa ku eedeynaya weerarkan ciidamada daacadda u ah madaxweyne Bashar al-Assad iyo xulufadiisa Ruushka.
Dowladda Ruushka ayaa si weyn u beenisay inay ku lug laheyd weerarka. Sidoo kale dowladda Syria ayaa iska fogeeysay, iyadoo sheegtay in aaney marna kiimiko u adeegsan dad shacab ah, lixdii sanadood ee uu dagaalka ka socday dalkaas.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in dhimashadu ay ka dhalatay dayuuradaha dagaalka ee Syria oo duqeeyay warshad hubka kiimikada sameysa oo ay mucaaradka gacanta ku hayeen.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadli doona arrintan kullan deg deg ah oo ay ka yeelanayaan maanta oo Arbaca ah.