Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Weerar Kiimiko oo 58 Qof ku Dilay Syria'


Shaqaalaha difaaca dadka rayidka iyo kooxaha la socda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Ruushka ama Syria ay fuliyeen weerar gaas oo ka dhacay magaalo mucaaradka ay haystaan oo ku taalla waqooyiga Syria, halkaasi oo ugu yaraan 58 qof ay ku dhinteen, 200 oo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Syria ayaa weerarka ku qeexay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee Syria ka dhacay muddada lixda sano ah ee dagaalka sokeeye uu dalkaas ka socdo, waxaana xisbiga mucaaradka Syria ee Isbaheyisga Qaran uu weerarku ku sheegay “Xasuuq argagax leh.

Russia waa ay beenisay inay wax lug ah lu lahayd weerarka.

Hay’ad dusha kala socota xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca Syria, ayaa sheegtay in in badan oo ka mid ah dhibanayaasha magaalada Khan Sheikhoun ee gobolka waqooyi ee Idlib ay qufacayaan, neefta ku xirantay, matagayaan ama xumbo afka ka daynayaan.

Gobolka Idlib ayaa waxaa haysta mucaaradka dagaalka xooggan ku qaadayey dowladda madaxweyne Bashar al-Assad tan iyo sanadii 2011, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 400,000 oo qof, islamarkaana malaayin kale ay ku barakaceen.

Syria ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inay hubka kiimikada u isticmaasho shacabkeeda, eedeymahaasi oo ay beenisay.

XS
SM
MD
LG