Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninka Lagu Tuhmayo Weerarkii Ruushka oo la Aqoonsaday


Qof ku dhaawacmay weerarka
Qof ku dhaawacmay weerarka

Baarayaasha dalka Ruushka ayaa sheegay in Akbarzhon Dzhalilov oo u dhashay dalka Kyrgyzstan uu ahaa qofkii fuliyey weerarkii ismiidaanminta ee Isniintii lagu qaaday xarun tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada St. Petersburg.

Guddiga baaritaanka Ruushka ayaa sheegay inay heleen xubnaha jirka ninkaas oo gubtay, ayna rumeysan yihiin inuu fuliyey weerarka oo 14 qof ay ku dhinteen 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddiga waxa ay sidoo kale sheegeen in baarayaasha ay dheecaanka hiddaha sida DNA-da ee Dzhalilov ay ka heleen bam aan qarxin oo lagu talaalay xarun tareen kale oo ku taalla isla magaalada St. Petersburg.

Goor sii horreysay, ayaa mas’uuliyiinta sirdoonka dalka Kyrgyzstan, waxa ay sheegeen in qofka la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxa uu yahay muwaadin u dhashay dalka Kyrgyzstan oo haysta dhalashada Ruushka.

Afhayeen u hadlay hay’adda sirdoonka Kyrgyzstan ee GKNB, ayaa sheegay in tuhmanaha lagu magacaabo Akbarzhon Jalilov, uuna sanaddii 1995-kii ku dhashay dalkaas.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

XS
SM
MD
LG