Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish iyo Al Qaacida oo Ku Mashquulsan Aaldo Qarxa


Signs list prohibited carry-on items at the entrance to a Casablanca-New York flight checkpoint at Casablanca Mohammed V International Airport, in Casablanca, Morocco, March 29, 2017.
Signs list prohibited carry-on items at the entrance to a Casablanca-New York flight checkpoint at Casablanca Mohammed V International Airport, in Casablanca, Morocco, March 29, 2017.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ay tijaabo ku hayaan aalado qarxa oo lagu dhexqarin karo kamputerada Laptop-yada taasoo aaney arki karin qalabka wax baara ee garoomada diyaaradaha caalamiga ah.

CNN iyo CBS ayaa ku warramay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ay u sheegeen in kooxaha al-Qaida iyo Daacish ay isku dayayaan wadiiqooyin ay ku horumarinayaan walxa qarxa oo ay rabaan in ay ku rakibaan qalabka electaroonig.

Warka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkan ay qalabka wax lagu baaro ee eraboorada ku tijaabiyeen qaraxyada ay horumarinayaan hadda si ay isugu dayaan in ay ula soo koraan diyaaradaha.

Bishii aanu kasoo gudubnay ayey aheyd marki ay Dowalada Mareykanka ka mamnuucday 10 shirkadood oo ah kuwa diyaaradaha laga leeyahay Bariga Dhexe in rakaabka soo aadaya Mareykanka aysan diyaaradda lasoo kori karin aalahaha elektarooniga ah ee ka weyn Mobeylada gacanta.

XS
SM
MD
LG