Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Golaha Yurub oo ka Hadlay Brexit


Madaxweynaha Golaha Yurub ayaa sheegay in nolosha dadka ay noqon doonto muhiimadda koowaad marka ay timaado go’aanada wada-xaajoodyada Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Donald Tusk ayaa maanta sheegay in muwaadiniin kasoo jeeda dhammaan dalalka Midowga Yurub ay ku nolool yihiin, ka shaqeeyaan, waxna ka bartaan Britain.

“Waxaan u baahannahay inaan go’aan ka gaarno waxa ay noqon doonto xaaladda dadkaas marka ay Britain ka baxdo Midowga Yurub” ayuu yiri.

Tusk waxa uu sheegay in Britain sidoo kale looga baahan yahay inay qadariso dhammaan “waajibaadyada maaliyadeed” ee ay qaadatay markii ay xubinta ka ahayd Midowga Yurub.

Tusk ayaa ku gacan seeray codsiga ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ee ku saabsan in wada-xajaoodyo is dhinac socda oo ku saabsan ka bixitaanka Midowga Yurub iyo heshiisyada ganacsi ee mustaqbalka ay la furto Midowga Yurub.

“Marka aan horuamr ka gaarno ka bixitanka, ayaan ka wada-hadali karnaa xiriirada mustaqbalka” ayuu yiri Tusk.

XS
SM
MD
LG