Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka Dhacay Banaanka Baarlamanka Britain


Xarunta baarlamanka Britain ee magaalada London ayaa xanibaad buuxda la geliyey, kadib rasaas laga maqlay banaanka dhismaha.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay, islamarkaana sawirro ayaa muujiyey dad dhaawac ah oo ku dhiig baxaya buundada Westminster, halkaasi oo booliiska London ay sheegeen inay ka jawaabayaan “rasaas dhacday”.

Hoggaamiyaha Aqalka Wakiilada Britain David Lidington ayaa sheegay in qof weerar soo qaaday ay toogteen booliiska, islamarkaana ay jiraan warar sheegaya in rabshado kale ay ka dhaceen dhismaha baarlamanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaal booliis ah la tooreeyey.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganeysa goobjoogeyaal ayaa sheegtay in baabuur uu dhowr qof ku weeraray, kuna jiiray buunada.

Booliiska ayaa weli baaraya dhacdada.

XS
SM
MD
LG