Soomaaliya ayaa la halgameysa abaaro xun oo saameeyay shacabka Soomaaliyeed. Bilowgi bishaan March, ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku dhawaaqay in 110 ruux ay u dhinteen abaarta, taasoo macnaheedu aheyd in dadku ay bilaabeen inay gaajo u dhintaan.
Sida lagu sheegay warbixin ay sanadkii 2013-ki si wada jir ah usoo saareen Qaramada Midoobay iyo Hey’adda Fews Net ee daraaseysa Abaaraha, ku dhawaad 260,000 oo ruux ayaa ku dhimatay abaartii sanadki 2011-ki ku dhifatay Soomaaliya.
Laanta Af Soomaaliga ee VOA waxa ay dadaal badan u gashey todobaadyadii la soo dhaafey in ay dadweynaha dhageestayaasheeda la socodsiiso wararka abaaraha iyo talaabooyinka illaa iminka caalamka iyo dadweynaha Soomaalidu ay qaadeen.
Hadaba haddaba waxa keena keena abaarta soo noq-noqday ee Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo abaar kale oo mustaqbalka dhaca ayaa waxaa warbixintaan inooga diyaariyey Nur Hassan Nur.