Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Xilka ka Qaaday Madaxweynihii K/Koonfureed


Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Kuuriya ayaa oggolaatay in xilka laga xayuubiyo haweenayda madaxweynaha ka ahayd dalkaasi Park Geun-hye.

Park ayaa waxaa lagu helay musuq maasuq iyo awood ku takrifalid, waxaana baarlamaanka dallkaasi uu bishii December ku soo oogay dacwad xilka looga qaadayo. .

Park ayaa noqonaysa madaxweynihii u horreeyey ee dalkaasi si dimoqraadi ah loo soo doorto oo xilka laga qaado..

Dad badan oo Koonfurta Kuuriya u dhashay ayaa soo dhaweeyay go'aanka maxkamadda.

Park oo 64 jir ah ayaa noqonaysa madaxweynihii labaad ee xilka ay ka xayuubiyaan baarlamaanka. Roh Moo-Hyun ayaa 2004 xilka laga xayuubiyay, laakiin xilkaasi waxaa ku soo celisay maxkamad laba bilood kadib.

XS
SM
MD
LG