Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Baabuur oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax Baabuur
Qarax Baabuur

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in uu qarxay gaari ay eryanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, khasaarena uu ka dhashay.

Gaarigan ayaa ciidamadu ay muddo ku eryanayeen magaalada dhexdeeda markii dambana waxa uu ku qarxay agagaarka Ex-control Afgooye.

Baabuurka ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba qof, oo la sheegay in ay gudaha Muqdisho ka geysteen weerar lagu dhaawacay saddex ka mid ah askarta dowladda.

Markii uu gaariga qarxay kadib ayaa la sheegay in sidoo kale laba askari ay ku dhaawacmeen, taasi oo tirada guud ee dhaawaca ka dhigeysa shan askari.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen..

Qarax Baabuur oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

XS
SM
MD
LG