Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab ka Kacay Suuqa Bakaaraha


Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha
Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo dhaliyey khasaare hantiyeed oo aad u ballaaran ayaa xalay xilli dambe ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dabka ayaa ka billowday qeybta Cabdalla Shideeye ee suuqa ayaa ku faafay qeybaha kale ee suuqa.

Illaa iyo hadda lama oga waxa dhaliyey dabka, waxaana lagu warramay inuu ahaa dabkii ugu xoogganaa ee suuqa bakaaraha ka kaca.

Dabka ayaa waxaa uu gubay carwooyinkii suuqa, dhismayaashii qalabka ee electronic-ga, dukaamada bagaashka iyo mehradihii dadka waratada ah.

Dabka ka kacay suuqa ayaa waxaa u gurmaday dabdamisyada shirkadda Hormuud iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir, ayada oo dadka shacabka ahna ay gacan ka geysteen.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu la egyahay khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyey dabkan, waxaana ganacsatada ay sheegeen inay soo gudbin doonaan tiro koob ay ku sameynayaan hantida gubatay.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Dab ka kacay Bakaaraha
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00

XS
SM
MD
LG