Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Baabuur oo 35 Qof ku Dilay Syria


Qarax is-miidaamin ah oo babauur loo adeegsaday ayaa ugu yaraan 35 qof ku dilay, islamarkaana tiro kale ku dhaawacay xaafad ku taalla Syria kuna dhow magaalada al-Bab, maalin kadib markii ciidamada Turkiga ay kooxda Daacish ka qabsadeen magaaladan muhiimka ah.

Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray bar kantarool oo mucaaradka Syria ay amniga ku hubiyaan kuna taalla xaafadda Sousian, halkaasi oo lagu dilay dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan mucaaradka.

Dadka ayaa isugu soo ururay xafiiska amni, halkaasi oo in badan oo ayaga ka mid ah ay raadinayeen in loo fasaxo inay dib ugu laabtaan magaalada al-Bab, oo dagaallo culus ay ka socdeen muddo bilo ah.

Ciidamada Turkiga iyo kuwa mucaaradka ayaa magaalada galay khamiistii, kadib markii dagaalyahanada kooxda Daacish ay ka baxeen, taasi oo soo geba gebeysay dagaalkii halkaas ka socday, sida ay baahiyeen warbahainta Turkiga.

XS
SM
MD
LG