Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK oo 100 Milyan oo Gini Ugu Deeqday Somalia


Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday xirmo cusub oo taageero ah oo la siinayo dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, oo ah laba dal oo wajahaya abaar iyo macluul qarka saaran.

Waxaa taageeradan ku dhawaaqay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel.

UK ayaa 100 milyan oo gini siin doonta Soomaaliya, halka 100 milyan oo gini oo kalena ay siin doonto dalka Suudaanta Koonfureed. Lacagtan ayaa guud ahaan u dhiganta 250 milyan oo dollar oo labadan dal loogu talo-galay 2017/2018.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Priti Patel ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo dagaalada ka jira dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ay qoysas badan qarka u saareen macluul.

Dalka Soomaaliya ayey sheegtay in in ka badan lix milyan oo qof aysan haysan cunno ku filan, ayada oo 360,000 oo carruur ah ay nafaqo darro hayso.

Waxa ay sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya in Soomaaliya ay wajaheyso macluul la mid ah ama ka xun middii dhacday sanaddii 2011.

Lacagtan cusub ee Soomaaliya loogu deeqay ayaa la sheegay in cunno deg deg ah lagu gaarsiin doono hal milyan oo qof, islamarkaana taageero nafaqo oo nolol bad-baadin ah lagu siin doono 600,000 oo carruur iyo haween uur leh ah.

XS
SM
MD
LG