Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Musuq-Maasuqa Ayaa Sababa Xagjirnimada'


Hay’adda daah furnaanta adduunka ee Transparency International ayaa sheegtay in musuq-maasuqa uu yahay mid ka mid ah sababaha aas aaska u ah xagjirnimada.

Hay’addan la dagalaanta musuq-maasuqa ayaa sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay in ay wax ka qabashada musuq-maasuqa ka dhigto ahmiyadda koowaad ee dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka sida Daacish iyo Boko Xaram.

Warbixin ay haya’adda Transparency International baahisay maanta ayey ku sheegtay in musuq-maasuqa dowladaha qaar uu mintidiinta u ogolaado inay carrada dadka uga faa’iideystaan inay shaqaale qortaan, ayna ku helaan hub.

“Beesha caalamka waxay diiradda saartaa dadaallada wax looga qabanayo fikradaha kooxaha xagjiriinta sida Daacish, ayada oo laga eegayo dhinaca diinta, hase yeeshee waxay iska indho tirtaaa waxyaabaha kale ee xagjirnimada sare u qaada” waxaa sidaas tiri Katherine Dixon oo ah agaasimaha dhinaca gaashaandhigga iyo aminga ee hay’adda Transparency International.

Hay’adda waxay tusaale usoo qaadatay qabsashadii kooxda Daacish ee magaalada Mosul ee dalka Ciraq.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in Daacish ay xasilooni darrada dalka Libya ka jirta uga faa’iidieysatay ay qabsato dhul badan oo dalkaas ka mid ah, inkasta oo markii dambe badankood ay gacantooda ka baxeen.

XS
SM
MD
LG