Hay'ada IMF ayaa sheegtey in deyn bixiyayaasha deymaha ku lahaa Soomaaliya ay dhici karto in ay cafiyaan qeyb ka mida deymahaas oo gaaraya 5.3 Billion oo Dollar, hadii ay Soomaaliya buuxiso shuruudaha laga doonayo si looga cafiyo deymahaas.
Shuurdahaas ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya loo daabaco lacag cusub, islamarkaana ay la timaado siyaasad wax ku ool ah oo la xiriirta dhinaca lacagta, sida ay sheegtay IMF.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal sabool oo dhowr ah oo IMF iyo Bank Adduunka ay sheegeen inay xaq u yeesheen in laga gargaaro deymaha culus ee lagu leeyahay.
Falastiin Axmed Iiman ayaa arrintaas ka wareysatey Prof. Hussein Warsame oo ah dhaqaaleyahan wax ka dhiga jaamacada Calgary ee dalka Canada ugu horeyna waxa ay weydiisey deyntan iyo meelaha ay Somalia ka deynsatey.