Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Dhallinyarada Somaliland oo la Xusay


APTOPIX Netherlands International Court Rohingya
APTOPIX Netherlands International Court Rohingya

Munaasabad lagu xusayo maalinta dhallinyarada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Kumanaan dhallinyaro ah oo ay ku jiraan ardayda dugsiyada waxbarashada ayaa ka qeyb galay munsaabaddan.

Sannad walba maanta oo kale ayaa loo asteeyay inay noqoto maalinta dhallinyarada ka dib wareegto uu soo saaray madaxweyne Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Munaasibadda maanta ayaa waxaa agaasinkeeda iska kaashaday hey’adaha iyo ururada daneeya arrimaha dhallinyarada.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa ka qaybgalay, warbixintanna nooga soo diray.

Warbixin: Barkhad Maxamuud Kaariye
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:19 0:00

XS
SM
MD
LG