Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waaliddiin Walaac Ka Muujiyey Xakunkii Maxkamadda Boosaaso


Qaar ka mid ah waalidiinta 7 dhalinyaro ah oo ay todobaadki hore Maxkamad ku taalla magaalada Baasooso ku riday xakun dil ah ayaa sheegay in carruurtooda aysan helin xakun cadaalad ah.

Dhalinyaradaan ayaa lagu eedeeyey ineey ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab, waxaa kale oo ay Maxkamadu sheegtay ineey ka danbeeyeen dilal loo geystay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Dhalinyaradaan ayaa ku dooday in aysan wax lug ah ku laheyn eedeymaha loo soo jeediyay, hase ahaatee Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ayaa ku dooday inay eedeysanayaasha isku markhaati fureen oo qaarkood walaalo yihiin kuwa kalana ay sheegen inay ka tirsan yihin Al-shabab.

Xukunkaasi ka dib, idaacaddan VOA-da waxaa la soo xiriiryay qaar ka mid ah ehelada dhalinyarada la xukumay oo tirsanaya in xukunka ku dhacay caruurtooda uusan cadaalad aheyn. Wariyeheenna Jamaal Axmed Cismaan ayaa warbixintan inooga haya.

Warbixinta Jamaal ee Xakunkii Boosaaso
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:23 0:00

XS
SM
MD
LG