Taliyaha Guutada xureynta Galgaduud-Bari Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in ciidamada dawladdea ay ururka Al-Shabab ka dileen in ka badan 50 maleeshiyo.
Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyada ay ku dileen hawlgallo toddobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaannadaas, oo qeybo badan oo ka mid ah ay joogaan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa hawl galladan uga warramay weriyaha VOA ee magaalada Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane.