Golayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa shalay ansixiyay heshiis buuq badani ka dhashay oo ogolaanayay in saldhig Milatari magaalada Berbera laga siiyo dawladda Imaaraadka Carabta.
Heshiiskaas ayay ka biyo diideen xisbiyada mucaaradka ah iyo badi dadweynaha Somaliland.
Haddaba si faahfaahin dheeraad ah aannu uga helno nidaamka heshiiskan loo galay, saamaynta uu mandaqadda ku yeelanayo iyo nidaamka dhaqaale-bixinta ee heshiiskani ku qotomo, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariy wuxuu ka waraystay Wasiirka Duulista iyo Hawada Farxaan Aadan Haybe, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sababta uu heshiiska oo dhameystiran ay u hor geyn waayeen labada Gole.