Ra’iisal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in tijaabada Kuuriyada Woqooyi ay ku samaysay gantaan ay u ridday dhinaca biyaha dalka Japan inay tahay arrin aan loo dulqaadan Karin.
Shinzo Abe ayaa hadalkan sheegay isaga oo barbar taagan Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Ra’iisal Wasaaraha Japan ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tahay inay u hoggaansamaan qaraarada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Shinzo Abe ayaa sheegay in intii uu kulanka la lahaa Madaxweyne Trump in Maraykanku uu garabtaagan yahay 100% dalka Japan.