Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Dibadbaxyo Lagu Taageeray Farmaajo


Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa mudaaharadyo ay ku taageerayaan madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ka dhigay magaalooyin kala duwan oo Somalia ku yaala.

Magaalada Muqdisho ayaa dadku ay isugu soo baxeen jidadka waa weyn iyagoo ku dhawaaqay hal ku dhegyo ay ku taageerayaan madaxweynaha cusub.

Waxaa la arkayay askar ka tiran kuwa dowladda oo dibad baxa ka qeyb qaadanayay iyagoo wata dareeska ciidanka.

Dibad baxyo kuwa Muqdisho la mid ah ayaa laga soo sheegayaa magaalooyinka Beledweyn, Jowhar, Garbahaarey, Kismaayo, Dhuusa Mareeb, Cabudwaq iyo kuwo kale.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo 55 sano jir ah, horeyna u soo noqday Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweyne ee shalay ka dhacday Muqdisho, ka dib muddo lix bilood ah oo dib u dhacyo doorasho ay ka jireen Somalia.

Wariyeheenna Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Banaanbaxyo lagu taageeray Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00

XS
SM
MD
LG