Isku xirrada

Farmaajo oo ugu Cod Batay Wareegga Labaad


Wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho ayaa soo dhammaaday, waxaana ku guuleystay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa helay codadka 184 xildhibaan, sida tiro horudac ah ay muujineyso, Xasan Sheekh ayaa helay 97 cod, halka Shariif Sheekh Axmed uu ka helay 46 cod.

Waxaa wargga saddexaad u gudbaya Farmaajo iy Xasan Sheekh, maadaama midna uusan wareegga labaad ku helin 219 cod.

Wareegga saddexaad ayaa doorashadu ay noqoneysaa hal dheeri oo lagu kala bixi doonaa.

XS
SM
MD
LG