Isku xirrada

Cabdi Qaasim oo ka Hadlay Doorashada


Cabdi Qaasim

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray oo haatan ku suggan magaalada Qaahira ayaa ka waramay dareenkiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ah ayaa maalinta berri ah ka dhaceysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo xildhibaanada ay madaxweyne ku dooranayaan.

Madaxweynaha uu baarlaman soo dooranayo ma aha mid ku cusub Soomaaliya. Burburkii ka dib dhowr madaxweyne ayaa sidan lagu soo doortay.

Dowlad kastana waxay la kulmeysay caqabado iyo dibin-daabyo gudaha iyo dibaddaba ah.

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray oo haatan ku suggan magaalada Qaahira ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan uga waramay dareenkiisa doorashadan.

XS
SM
MD
LG