Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyey Ololaha Doorashada iyo Muqdisho


Jidadka Muqdisho
Jidadka Muqdisho

Wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa xiranm waxaana aad loo adkeeyey amniga magaalada iyadoo saacado keliya ay ka hadhsan yihiin doorashada madaxweynenaha Soomaaliya.

Dhinbaca kale waxaa magaalada ka socda shirar u dhexeeya qaar ka mid ah musharrixiinta iyadoo qaar kalena ay ka hadheen tartanka, oo ay tanaasuleen.

Xildhibaanada baarlamanka ayaa iyaguna aad u mashquulsan oo marba musharax la kulmaya, ayada oo la isku dayayo in la kasbado codadkooda ka hor doorashada maalinta berri ah.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa weriyaheena Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ka wareysatay wararkii ugu dambeeyey ee ololaha doorashada.

Wararkii ugu dambeeyey Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:26 0:00

XS
SM
MD
LG