Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka Dhashay Go'aankii Madaxweyne Trump?


Trump
Trump

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa difaacay go’aanka uu ku mamnuucay qaxootiga ka imanaya toddoba waddan oo muslim ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tallaabadaas u qaaday ilaalinta amniga dadweynaha Maraykanka.

Dhinaca kalena amarka fulineed ee doodda badan dhaliyey ee madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan hakinta ku meel-gaadhka ah ee dadka ka imanaya toddoba dal oo muslim ah ayay si weyn uga falceliyeen shakhsiyaad, kooxo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, iyo dalal kala duwan.

Dadka sharcigan dhaleecaynaya ayaa sheegay inaanu ahayn mid horistaagaya argagixisada, balse uu yahay mid sababaya cawaaqib aan loo baahnayn.

Weriyaha VOA Zlatica Hoke ayaa warbixintan soo dirtay, waxaana soo jeedinaya Ismaaciil Xuseen Farjar.

Warbixin: Ismaaciil Farjar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG